Jamhuuriyada Somaliland Oo Shaaca ka qaaday In alshabaab aay ka dambeysay qaraxyadii argagaxiso-nimo ee ka dhacay Somaliland

cirro1Wasiirka arrmaha Gudaha ee jamhuuriyada La baxday Somaliland Mudane Cabdilaahi Ismaciil Cirro oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada hargeisa ayaa sheegay in kooxda alshabaab aay tahay kuwa ka dambeeyeey Qaraxyadii ka dhacay Hargeisa Waxa uu sheegay wasiirka in qaraxyadii ka dhacay Xurumaha kala ah madaxtooyada soomaaliland ,Undp Hargeisa iyo waliba safaarada Dalka Etoobiya ee magaalada hargeisa iney yahiin alshabaab

waxana uu wasiirka arrimaha gudaha ee somaliland sheegay in ragga ka dambeeya weraarada aay kala yahiin Saddexda nin ee kala ah

1.Mukhtaar Roboow Dhuxulow Oo la baxay Abu-Mansoor

2.Axmed Cabdi Godane

3.Ibraahim X.Jamaac Meecaad

Sidoo Kale Wasiirka Arrimaha gudaha ee somaliland waxa uu sheegay in nimanka geystay qa raxyada fuleynimo aay ka soo jeedan gobolada koonfuurta soomaaliya marka laga reebo hal nin oo u dhashay somaliland sida uu hadalka u dhigay mudane Cabdilaahi Ismaciil Cali Cirro , Hadaba waxa uu sheegay wasiirka in maxkamada la soo taagi doono ragga iyaga oo ka maqan dalka waxana uu wasiirka ka codsaday dadka reer koonfuurka ah iney la dagaalan kooxda alshabaab ee argagaxisda ah .

 

 

W/Q  Yusuf Jareer

 

 

Xafiiska Wararka Ee Somalifans.Net

Nagala Xiriir   Somalifanscom@Hotmail.com