Waxaa manta lagu qabtay beerta wayn Ceelmur ee magaalda Qardho Xaflad wayn oo laug caano shubayay Boqorka Daarod Boqor C/laahi Boqor Muuse (King kong), Xaflada Caano shubka boqorka daarod oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay dadwayne aad u farabadan oo ka kala yimi gobolada puntland iyo dalka dibadiisa
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay isimada, cuqaasha, aqoonyahanada iyo culumaa udiinka Dawlad goboleeka Puntland, Sidoo kale waxaa xafladaan goobjoog ka ahaa Madaxweynayaasha Dawlada kumeel kaagra iyo Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/lahaai Yusuf Axmed iyo Mudane Cade Muuse Xirsi iyo Qaar ka tirsan Golayaashoda Wasiirada
Kulankaan uu xiriiriye ka ahaa Majabe ayaa ugu horayntii waxaa lagu furay aayada quranka uu akhriyay shiikha caanka ah ee Sh. Cali Xiir, kadibna waxaa loo lagu soo dhaweeyay makarafoonka Nabadoon Maxamud Siciid Aw Muuse(afdiinle) oo halkaa ka soo jeedinaayay taarikhda ee soo martay boqortooyada daarod, sidoo kale waxaa isaga loo yeeray inuu ku hadlo Isimada Puntland Garaad Jaamac Garaad Cali oo u soo jeediyay boqorka talooyin iyo waano isaga oo tilmaamay inay isinimadu tahay hawl aad u adag oo culeesbadan ayna u baahan tahay dulqaad
Waxaa isna halkaa khudbad xamaasad leh ka soo jeediyay Madaxwaynaha Dawlada Federaalka Mudane C/laahi Yusuf oo halkaa uga hanbalyeeyay Boqorka, Sidoo kale madaxwaynuhu wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Hogamiye dhaqameedku ay kaalin wayn ka qaata Siyaasada Somalia oo ay xaliyaan khilaafyada iyo dhibaatoyinka ka horyimaada Siyaasiyiinta Somalia
Ugu danbayntii waxaa halkaa qabsaday makarafoonkii abwaanka caanka ah ee Baarleex oo runtii aad u soo jiitay dadwaynihii halkaa kusugna iyado oo qaarkod hurdadi ka kiciyay, halmar ayaa waxaa la arkay dadkii oo sacab iyo mashxarad isku daray Abwaanka oo halkaa ka akhriyay murti iyo maaweelo ayaa lagu soo xiray xafladii kadibna waxaa lagalay qadadii sidaa ayayna ku soo gababoobday xafladii caana shubka boqorka Daarod Boqor C/laahi Boqor Muuse
- Boqor C/laahi wuxuu ku dhashay Degmada Jeriiban Gobolka Mudug Sanadka markuu ahaa 1937
- Wuxuu Dugsi dhexe iyo dugsi sare ku qaatay College Somali Caasimada Muqdisho
- 1967 Boqorku wuxuu ka soo qalin jabiyay Jamacada modena ee Itali, wuxuu takhasus ku sameeyay Sharciga Penalka iyo civilka Sanadki
- 1969 wuxuu ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Gobalka Banaadir
- 1971-1973 wuxuu ahaa Garsooraha Maxkamada abiilka
- Dagaalkii sokeeye ee Somalia ka hor Boqorku wuxuu kamid ahaa siyaasiyiinti qortay Manifesto
- Sanadihii ka danbeeyay buruburkii wuxuu boqorku ka mid ahaa madaxada Sarsare ee Gobalada Puntland
- 2000-2002 Wuxuu noqday Wasiirka Gaashandhiga ee Dawladii TFG da ee Carta lagu soo dhisay
Xafiiska Wararka Ee Somalifans.Net
Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com






BBC Subax



Rayiga Akhristaha