Boqor Cabdilaahi Boqor Muuse Oo Maanta Lagu Caleema saraay Degaanka Ceelmur Ee Gobolka Karkaar Sidese Loga dareemay soomaaliya +Warbaxin

33boqorWaxa Sacaad ka hor lagu soo gaba gabeyey xaflaadi caleema saarka boqorka beelaha daarood boqor cabdilaahi Boqor Muuse Oo ah boqorkii 33Ee beelaha daarood ahna dhaxaltoyo tariikhi ah xaflaada oo aay ka qeyb galeen madax kala duwaan oo dowlada soomaaliya iyo tan puntlandba ka kala socota ayaa waxa ugu weyna masuuliyiinti halka timid madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya mudane cabdilaahi yusuf axmed iyo madaxweynaha puntland Mudane Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor Waxa kala oo xaflaada joogay dhamaan isimada puntland kuwa ugu waweyn sida Garaad Jamac Garaad Cali Iyo Waliba Islaan Ciise Islaan Muuse iyo isimo kale nabadoono,Dhalinyaro , odayaal , siyaasiyin iyo dhamaan uruurda bulshada soomaaliyeed dhamaantood

Waxa kale oo xaflaada xusid mudan Abawaano Soomaaliyeed oo halka ka jeediyey khudbado cajiiba oo yaab leh sida abwaanka caanka ah ee soomaaliyeed Barleex oo halka ka jeediyey gabay dadku uu wada bogeen iyo waliba duco uu u soo jeediyey boqorka beelaha daarood isaga oo sidoo kale boqorka ku gubabiyey boqorka isaga oo adeegsan suugaanta soomaaliyeed waxana uu sheegay iney boqorka suugeyso hawl culus logana fadhiyo inu wax ka qabto arrima badan oo dalka soomaaliya ku sabsan .

sidoo kale waxa joogay fanaaninta walaalaha gobolka bari iyo abwaanka soomaaliyeed ee shay mire dacar

waxa kale oo halka joogay dhamaan wax garadka kala duwan oo soomaaliyeed

Habada Khudbad u halka ka jeediyey madaxweynaha jamhuuriyada ayaa uu hambalyo ugu diray boqorka cusub ee beelaha daarood isaga oo sheegay in daarood baladhan yahay logana fadhiyo ururiska beelaha daarood ee kala foog iyo isku xirka beelaha boqorkana hawsha isagu u taal . sidoo kale madaxeynaha jamhuuriyada ayaa sheegay in u amiinsan yahay xalka soomaaliya in lagu wareejiyo wax garadka iyo odyaal dhaqameedka soomaaliyee una ka mid yahay boqor cabdilaahi boqor muuse waxana uu sheegay in boqorka laga doonayo isku soo dhoweeynta iyo nabadeynta dalka soomaaliya ay tahay mid loga fadhiyo boqor cabdilaahi boqor muuse .

 

Dhanka Kale Dhamaan Gobolaada Dalka ayaa laga soo dhoweeyey caleema sarka boqor cabdilaahi boqor muuse xafdidahulaah meelaha sida weyn loga soo dhoweeyey waxa ka mid ah gobolaada Gedo,Galguduud,Shabeelaha Dhexe Iyo Waliba Gobolka Banadir Waxana dhamaan dadka ku dhaqaan gobolada aay sheegen in boqor cabdilaahi boqor muuse xafidahulaah loga fadhiyo arrima badan iyaga oo dadka degaanadasu u rajeyey boqorka cimri dheer iyo cafimaad qab Amiim AMiin Amiin Anaguna sida ayaan uu rajeyn boqor cabdilaahi Boqor Muuse Illaahay ha garab galo hawsha lo dhibana ha noqdo ki ka soo baxa .

 

 

By Yusuf Jareer

 

Xafiiska Wararka Ee Somalifans.Net

Nagala Xiriir  Somalifanscom@hotmail.com

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers