Ra’isul wasaraha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa manta Shir jar’aaid oo ku qabtay Magaalada Nairobi ku sheegay inuu si aad ah uga xun yahay, islamarkaana ay tahay ayaan daro in xafiiska Madaxweynaha uu qoraalkii aan ku magacaabay Xubanaha Golaha Wasiirada in halkii laga sugaayay inuu soo ansaxiyo uu taas badalkeed uu ku shaaciyay Suuqa.
“Waa wax laga xumaado oo aan ku timaami karo inay tahay nasiib daro, in sidaasi u dhaqmo xafiiska Madaxweynaha” ayuu yiri Ra’isul wasaraha Dowladda KMG Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Ra’iisul wasaare Nuur Cadde waxa uu sheegay in iyada oo la raaco Go’aankii IGAD ee Shirkii ka dhacay Dalka Kenya 29-kii bishii hore oo ay go’aanadii ka soo baxay ay ka mid ahaayeen in la buuxiyo boosaskii ay baneeyeen wasiiradii is casilay oo ahaa 10-ka wasiir iyo 3-wasir ku xigeen ayuu sheegay inuu u gudbiyay xafiiska Madaxweynaha qoraal qeexaya 10-wasiir iyo 14-wasiir ku xigeen, “ Maadaama ay Jiritaanka Xukuumadda ka harsan yihiin wax yar howlo badana ay horyaalaan wasaaradaha ayaan kordhinay wasiir ku xideenada si ay shaqada u fududaato” ayuu yiri Ra’isul wasare Nuur Cadde.
Mudane Nuur Cadde ayaa gaashaanka ku dhuftay in ay dib u soo noqdaan wasiiradii iscasilay, wuxuuna sheegay in arintaasi khilaafkii ka dhashay ay soo afjaren Wadamada IGAD, Soomaaliyana ay ka mid tahay, waxaa uu sheegay in go’aankasi uu qeyb ka yahay qorshe lagu doonayo in meesha looga saaro Qilaafka u dhexeeya Madaxweynaha,Ra’isul wasaaraha,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xubnaha Barlamaanka KMG Soomaaliya.
Sidoo kale Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in maanta ay ku began tahay 15-kii Maalin ee loo qabtay in lagu soo buuxiyay boosaska ay baneeyeen Wasiiradaasi horay isaga casilay xilalkooda,isla markaana uu ogolaashoka sugayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed oo haatan howlo caaafimaad u jooga Dalka Ingiriiska.
Arrintaan ayaa ku soo aaday in iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay wargeysyada Caalmaka qaarkood iyo kuwa ka soo baxa dalka Kenya ku soo daabaceen Bogagooda hore liiska Xubanaha uu doonaayay Ra’iisul wasaaraha inay ka mid noqdaan Xubanaha Golihiisa Wasarada cusub.
Source – Somaliweyn.Org
Filed under: Uncategorized Tagged: | News In English