War-Saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Samafalka Isbaheysiga Asmara


RIIX Warsaxaafadeed Shalay Oo tariikhdu Aheyd 27/08/008 ka soo baxay xafiiska samafalka ee Isahaysiga Asmara ayaa lagu sheegay in dalka Soomaaliya ay ka jirto abaaro baahsan oo saameyn balaaran ku yeeshay nolosha dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada dalka

War saxaafadeedkan ayaa lagu xusay in shacabka Soomaaliyeed oo horeba ula il darnaa colaad sabatay xasuuq, barakac, xabsi dhac iyo boob ayaa xilligan waxaa ku habaday abaar ba’an oo baad iyo biyo la’aanta dalka ka jirta awgeed waxay galaafatay nolosha dadka maatida ah sidoo kale waxa la’day xoolo u badan geesley.

Xaaladda abaarta waxa sii xumeeyay ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan ammaan la’aanta baahsan ee dalka ka jirtataasoo uu sababay gumeysiga dalka qabsaday, waxayna saameyn balaarani ku yeelatay bad iyo beriba iyadoo ay xoogeysatay burca badeedii xilli ay xeebaha Soomaaliya dhooban yihiinmaraakiib shisheeye oo sheeganeysa inay nabadda geyiga sugayaan.

War saxaafadeedkan ayaa waxa kale uu ku baaqayaa in laga hor tago wax kasta oo sicir barar ku keeni kara bulshada Soomaaliyeed ee la liidata nafaqo darida, oonka iyo cudurrada sida shuban-biyoodka ku faafay goobaha ay ku sugan yihiin dadka maatida ah ee uu cadowgu soo barakiciyay.

Waxa kale oo uu bulshada Soomaaliyeed ee wax haysata uu ugu baaqayaa inay taageeraan gar-gaarna u fidiyaan walaalahooda ku dhibaataysan gudaha dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii war-saxaafadeedkan ku soo baxay xafiiska samafalka ee Isbahaysiga Asmara wuxuu ka codsaday hay’adaha samafalka kuwa goboleed iyo kuwa dowliga ahba inay gar-gaar aadannimo la soo gaaraan maatida Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu ka soo gaartay abaaraha baahsan ee ka jira gobolo badan oo dalka ka mid ah, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan.

Xafiiska Samafalka ee Isbahaysiga Asmara

Somalifans@Gmail.com

Faafin Somalifans.co.cc

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers