Wararka Ka Imanaya gobalka Gedo ayaa sheegaya in tuulooyin hoos yimaada magaalada Baardheere ay gaareen ciidamo uu horkacayo Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaan Barre Hiiraale uu wado dhaawac fara badan oo ciidamo beesha Mareexaan ka tirsan ah kuwa Oo Ku Soo dhaawacmay dagaaladii saddexdii cisho ee ugu dambeysay ka socday gudaha iyo daafaha magaalada Kismaayo
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaan Barre Hiiraale saacadaha soo socda gudaha u gali doono magaalada Baardheere waxaa la xaqiijiyay inay wehliyaan qaar kamid ahaa mas’uuliyiintii beesha Mareexaan ee maamuli jirtay magaalada Kismaayo kuwaasoo shalay galinkii dambe dagaal loogu bixiyay magaalada Kismaayo Isaga Iyo Maamulayaashi Beesha Mareexaan
W/Q Eng Yusuf Cali Somalifans@Gmail.com
Faafin Somalifans.co.cc
Filed under: Uncategorized