Jubbada Hoose Oo Maanta Ka Xorowday Kacaankii Madobaa Ee 21kii Oktoobar 1969Kii

فما بكت عليهم السماء والأرض………….
(Samada & Dhulka uma ayan Ooynin Jabkii ku dhacay Burcadda Reer
Galgaduud)

ونريد أن نّمنّ على الذين استضعفوا في الأرض ونجعلهم أئمةً ونجعلهم الوارثين(5)
ونمكن لهم في الأرض ونري فرعون وهامان وجنودهما منهم ماكانو يحذرون(6) سورة القصص.
Eebbe wuxuu yiri: waxeynu dooneynaa ineynu wax siino kuwii lagu dulleynayey dhulka kana yeelno Hoggaamiyeyaal dhaxla dhulka(5)waxeynu dejinay dhulka, waxeynu tusnay Fircoon, Haammaan & ciidamadooda waxey ka baqayeen[oo aheyd in xukunka laga qaado 7 in la cadaabo](6) Suurat Al-Qasas

Darmaan qalay Korneelka wuxuu duunyo foofsadee
Dibin-daabyada Barre qabo wuu ku diirsadee
Waa lagu digtaa ruux hadddu kuu darnaan jiree
Bal dayaay korneelku waa kaa sii dabeshadayee

Galab Jimco 11 Juun 1999kii ayey Haraadiga Kacaankii Madoobaa Qabsadeen Kismaayo iyagoo u horkacayey Dambiile Dagaal Barre Aadan Shire(Barre hiiraale) oo uu awoow u yahay Keligii Kadeedka Soomaaliyeed Max’ed Siyaad Barre, waxey Jubbada hoose ku hoos nooleed maamulkii Kacaankaasi 30 sano,5bilood & 16 casho ka dib markey ka xorowday galab Jimco 22kii, Agoosto, 2008, halka ay 17ka gobol ee kale ka xoroobeen Janaayo 1991kii, Haraadigaasi 9 sano oo cadaab noocyo kala duwan ayuu kula kacay dadka dega Jubbada hoose oo ay ka mid tahay dhiig miirad & ku dulnoolaansho(parasites), Isir tir, xasuuq, barokicin dhac, Kufsi, sanadii 2002dii oo ay Waskhda & sunta Niyuuklerka ku aaseen Yoontooy oo aheyd halka ay Kismaayo ka heli jirtey biyo macaan oo nadiif ah

Dagaalkii Maanta Jimco 22/08/2008 wuxuu billowday 8dii subaxnimo wuxuuna dhamaaday 3dii Galabnimo ka dib markii la jabiyey Haraadihii Kacaankii Madoobaa ee Keligii Kadeedka Soomaaliyeed, waxaa maanta ka dhacay Kismaayo isku soo bax loogu dabaal degay guusha uu gobolka gaaray.

Guusha Dagaalka : waxaa cadowga Jubbada hoose laga qabsaday 35gaari oo tikniko ah, gawaari badan oo kuwa lagu raaxeysto ah oo ay ka bililiqeysteen degaanka oo iyana laga qabsaday & hubka fudud oo uruurintiisa ay weli socoto ayadoo guryihii ay ku dhuumaaleysanayeen guri guri loo baarayo
Khasaaraha Dagaalka :
• Reer Jubbada hoose & xulufada u soo gurmatay: 25 dhimasho 3dii maalmood ee uu dagaalka socday, dhaawacooda maanta waa 3 qof oo galabta cusbitaalka laga saarayey
• Cadowga Jubbada hoose(Harradigii Kacaankii Madoobaa): 30-36 dhimasho maanta,60 dhaawac ah, 55 maxbuus
• Dadka Rayadka ee ay xabbadu haleeshay : 2 dhimasho & 2bo dhaawac
Cabdi Razaaq Faarax Taano :Waa ninka hoosaasinta iyo khiyaamada ku sameeyey Ashabaab ee sirtooda u gudbiyey Dambiile Daagaal Barre Aadan Shire sida : tirade hubka ay heystaan, noocyadiisa,loojistikadooda iwm, isagoo isaga dhigay nin iyaga la hadaf ah, ka dibna amar ku siiyey maleeshiyadiisa oo dhameyd 100 qof oo ku hubeysnaa 9 tikniko iney ku biiraan kuwa Barre hiiraale.
Guddiga Siyaasadda Sade: nimankii magacaan la baxay oo lagu qiyaasay 30 ilaa 35 waxaa loogu tagay saldhigoda oo ahaa Hoteelka Faarax Guure(Hotel Africa) eek u yaal Aargada agteeda, barri ayaa maxkamad la soo taagayaa, markii laqabtay waxey yiraahdeen waxeynu nahay odayaal maxaa nala ka rabaa? Waxaa loogu jawaabay waxaad mas’uul ka tihiin wixii dhib ah ee loogeystay dadka degaanka jubbada hoose 9kii sano ee la soo dhaafay, dagaalka manta dhamaaday oo 3casho socday wixii khasaare ka dhashaysida dhimasho, dhaawac & burbur hanti, go’aanka xukunkiinana Maxkamadda ayaa is ka leh beri hadduu Alle idmo, waxaa raggaasi ka mid ah Guddoomiyaha gudigaasi Bashiir Madoobe Yarow iyo 16 Shar-doon.

Dambiile Dagaal Barre Aadan Shire(Barre hiiraale) oo dhowr gaari wato ayaa cararay isagoo loo maleynayo inuu tagay Beled Xaawo caawo haddi jid-gooyo aan loo sameyn, raga madaxda ee Barre sii raacay waxaa ka mid ah: Shanfool oo ugu magacownaa taliyaha booliiska Kismaayo,Yaasiin Nuur Gaas(Indho Raadaar) isaga wuu ka mid, balse waxaa ina soo gaaray war sheegaya in lagu dilay kud kude oo madaxtooyada u dhaw isaga koox maleeshiyo ah .

Toddobaadka soo socda maalinka talaadada waxaa laga yaabaa iney Kismaayo booqdaan oo lagu marti qaado weriyayaal caalami & mas’uuliyiin UN-ka si ay u soo arkaan guusha ay Jubbada hoose ka gaartay cadowgii gumeysiga & cadaab xanuun ku hayey muddo 9 sanadood, si loo muujiyo beenta ay BBC-da & VOA-Somali section ay fafin jireen iyagoo mar kasta buun buunin jirey cadowgaasi(Mareexaan) ku tilmaami jirey iney degaan yihiin wax dhib ahna ayan ku haayn dadka degaanka oo ay caddalad ku maamuli jireen

BY ASSIYAASA NEWS PAPER

Faafin Somalifans.co.cc

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers