Wararka Ugu Danbeyeey Ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in guud ahaan Magaalada Aay gacanta ku qabteeny Kooxda Al-Shabaab kadib dagaalo saddex cisho halkaasi ka soconayay
Ciidamada Beesha Mareexaan Ee maalmahaan la dagaalamayay Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa loga guleyustay Aay Iskaga baxeen
Isgaarsiinta Telefoonada ee Mobile-ka iyo Line-ka ayaa guud ahaan hawada ka maqan maanta magaalada Kismaayo
Dhanka Kale Dagaalada ayaa khasaaro xoogan geystay, iyadoo wararkana sheegayaa in ka badan 40 Ruux inay ku geeriyoodeen maalmaha uu dagaaladaan socdeen iyadoo dhaawacana uu sii caga cageynayo 85 Ruux oo u badan dadweyne rayid ah gaar ahaan dadka ku dhaqan xaafada Calanleey
Rasaasta ayaa saaka ka bilaabatay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Kismaayo, waxaana ay shacabku muujinayaan dareen cabsi oo aad u xoogan in rasaasta ay sii xoogeysato, ka dib markii dhinacyada dagaalamaya ay gurmad heleen, sida ay wararku tilmaamayaan.
Waxaa jira rasaas yar yar oo laga maqlayo duleedka magaalada sida Goobjoogayaasha sheegayaan, waxaana la ogeyn halka uu jaan iyo cirib dhigay Mudane Xildhibaan Barre Hiiraale oo hogaaminayay ciidamada Beesha Mareexaan ee tan iyo markii laga saaray ciidamada Dowladda Soomaaliya Ee Kismaayo 22-April-2007 magaalada gacanta ku hayeen
Ciidamada Kooxda Al-Shabaab ayaa lasoo sheegayaa inay aad u hubeysanaayeen isla markaana ka tababar wanaagsanaayeen kuwa beesha Mareexaan taasoo keentay inay Kooxda Al-Shabaab guud ahaan gacanta Kismaayo ku dhigta, waxaana qeybo kamid ah xaafada iskugu soo baxay dadweyne ku faraxsan gacanta ay Kooxda Al-Shabaab ku dhigtay magaalada kuwaasoo caleemo qoyan ruxayay isla markaana sheegayay inay ku daaleen maamulkii halka beel kasoo wada jeeday ee muddo gacanta ku hayay magaalada
W/Q Eng Yusuf Cali Somalifans@Gmail.com
Faafin Somalifans.co.cc
Filed under: Uncategorized