Sheekh Shariif Oo Ugu Baqay Dalalka Carabta Iney Ciidaamo Kenaan Dalka Soomaaliya

Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay wadamada Carabta inay ciidamo u soo diraan Soomalaiya si ay u badalaan ciidamada kale sida kuwa Itoobiyaanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya

Sheekh Shariif ayaa wuxuu sheegay in ciidamo ka socda dalalka Carbeed oo yimaada Soomaaliya ay kaalin ka qaadan karto qorsha ciidamo caalami ah lagu keeno Soomaaliya, isagoo sheegay in ciidamadaasi ay saldhig ama aasaas u noqon doonaan ciidan kasta oo yimaada ciida Soomaaliya, wuxuuna tibaaxay in ciidamadaasi ay badali doonaan kuwa Itoobiyaanka oo ku tilmaamay waa sida hadalka uu u dhigay’e kuwa dalka qabsadey.

Sheekh Shariif iyo wafdiga la socda ee ka mid ah garabka Isbahaysiga uu hogaamiyo ayaa waxay magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar kulan kula qaateen masuuliyiin ka tirsan Jaamacada Carabta sida kaaliyaha xoghayaha guud e Jaamacada Carabta ee amuuraha siyaasada Axmed Bin Xilli iyo Agaasimaha waaxda Iskaashiga dalalka Carabta iyo Afrika Samiir Xusni, waxayna ka wada hadleen amuuraha ku aadan xaaladaha amaanka, siyaasada iyo bini’aadamtinimada ee ka taagan Soomaaliya.

Ambasador Axmed Bin Xili oo saxaafada la hadley ka dib kulankii ay la qaateen masuuliyiinta Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya wuxuu sheegay in wafuuda Soomaalida ee ay ku qaabileen xarunta Jaamacada Carabta ee magaalada Qaahira ay u soo gudbiyeen dhawr codsi oo ay ka dalbadeen Jaamacada Carabta kuwaasi oo ay ka mid yihiin,

1: In Wadamada Carabta ay doorkooda ka qaadaan sidii ciidamo ay ugu soo diri lahaayeen Soomaaliya.

2: In dalalka Jaamacada Carabta ay gacan ka geystaan sidii ay Soomaalida ugu caawin lahaayeen waxbarashada iyo gargaarka samafalka.

3: In Jaamacada Carabta awoodeeda isugu geysto sidii dalka Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa hanaan nabadeed isla markaana ay ka qayb qaataan sidii ciidamada Itoobiyaanka ugu bixi lahaayeen dalka, loona keeni lahaa ciidamadii badali lahaa.

Axmed Bin Xili wuxuu farta ku fiiqay in Jaamacada Carabta ay diyaar u tahay inay qaado dhamaan talaabooyinka ku aadan waxka qabashada xaaladaha amaan, siyaasadeed iyo bini’aadamtinino, isla markaana dhawaan ay ergo gaar ah u soo diri doonaan Soomaaliya si ay u soo indha indheeyaan xaaladaasi ka jira Soomaaliya

Maslax Cabdi Websomalifans@hotmail.com

Faafin Somalifans.co.cc

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers