Ninka ugu buuran aduunka oo aroosanaya Dhowaan

Ninka aduunka ugu buuran cileyskiisuna yahay nus tonn (500 kg) ayaa la sheegay in uu dhawaan guursan doono, isagoo helay gabar ey isjeclaadeen oo lagu magacaabo Claudia

Manuel Uribe oo asalkiisu yahay nin Mexican ah ayaa iminka ku nool dalka Mareykanka, waxaana la sheegay in uu is caateeyay islamarkaana uu iska riday (250 kiilo) si uu isugu diyaariyo arooskiisa oo dhawaan dhici doono

“Hamigeyga ugu weyn iminka waa inigoo istaaga maalinka arooskeyga” ayuu yiri Manuel Uribe oo wax laga weydiiyay waxa uu maanka ku hayo oo uu aadka u doonayo

Manuel ayaa mudo lixsano ah saarnaa sariir isagoo wax banaan ah arag, waxaana maalinkii ugu danbeysay ee la doonayay in banaanka loo saaro oo aheyd maalin ey sanad buuxineysay saaxiibadiis ayaa waxaa nasiib darro jabay wiishkii loogu soo saari lahaa banaan isagoo markaasi daaqada la doonayay in laga soo saaro maadaama uusan albaabka dhaafi karin.

Gabaddha aroosada ah ayaa sheegtay in ey aad ugu faraxsab tahay aqal.galka ey la aqal-galeyso Manuel, waxeyna sheegtay in ey maalin walba ey ugu meyrto sariirta dusheeda.

Ninkan buuran ayaa iminka loo bilaabo barnaamijyo uu isku caateeyo isagoo laga cunada laga kontrolayo islamarkaana wax yar la siinato halka uu markii hore cuni jiray raashiin aad u tiro badan
Arooska labadan Amoore ayaa lagu wadaa in uu dhawaan dhoco

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers