Madaxweyne Cabdi Laahi Yusuf Iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde Oo Kulan Yeeshay

Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Mudane  Cabdi laahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisa lwasaarihiisa Nuur Xasan Xuseen ayaa maanta yeeshay kulan xasaasi ah kaasoo aan si rasmi Saxaafada loogu sheegin.

Madaxweyne Yuusuf ayaa uyeeray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen si ay uga wada hadlaan xaaladaha qalafsan ee ka taagan dalka Soomaaliya & Khilaafkii dhawaan soo kala dhexgalay Golaha Wasiirada Iyo  Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya

Shirkan oo aysan xataa ka qeybgalin Xogheymaha Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Cabdi laahi Yuusuf Axmed iyo kuwa Raysalwasaaraha ayaan si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha ka soo baxay ,balse Xiriiro badan oo ay sameysay AllPuntland ayaa usheegay in ay Madaxweynaha & Raysalwasaaruhu ay siweyn uga wada hadleen Khilaadka dawladda Soomaaliya.

Madaxweyne Yuusuf ayaa usoo jeediyey Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya in la ilaaliyo Danaha Shacabka Soomaaliyeed ,wax walbana laga hormariyo isagoo sheegay in loo baahan yahay in aan layska dhaga tirin Sharciyada uyaala dalka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Nuur Xasan Xuseen oo ay hada Golihiisa Wasiirada ujoogaan xubno aan ka badneyn 6 Wasiir ayaa sheegay in uu doonayo in uu Sharciga raaco ,wuxuna sheegay ayay leeyihiin Warar hoose in sameyn doono badbaadinta Golihiisa Xukuumada.

Kulanka Labada Masuul ayaa ku soo beegmaya xili ay dhawaanahaan Saxaafada Soomaaliya meel sarre ka dhigeysay Khilaafka Sharciga ah ee udhaxeeya Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Iyo Xubno ka tirsan Xukuumada Soomaaliya , ayagoo eed kulul usoo jeediyey Nuur Cadde

W/Q Amiir Suldan   Amiir@live.com

Faafin Somalifans.co.cc