Balankii lagu sameeystay kombiyuutarka galabkii ku xigay waa tan sida fiican kaga fekertay, oo aanba sugi karin inta saacadaas laga gaaraa. Walaalkeed ayaa kombiyuutarka heeystay, laakiin dagaal iyo baryo ayeey iskugu dartay darteed sida uu u dhibaayay waa kaga kacay, inkastoo nafta ugu keenay inuu ag fadhiisto oo rabo inuu dhageeysto hees. Hadane markii danbe oo uu dareemay in aysan raali ka aheeyn ag fadhigiisa waa ka tagay. Ninkii la sugaha ahaa waa yimid, waa isku faraxday, salaan iyo is wareeysi kadib sheekooyin iyo galbeedka lagu wada noolyahay waxyaabaha ka jira ayaa laga wada hadlay. Ninku nin cilmi leh ayuu ula muuqdaa, oo waxwalba wax ka yaqaano, diin, dhalinyaro, musik, waalid, waxbarasho, siyaasad, wax uusan ka hadleynin ma jiraan ama uusan wax ka ogeeyn. Arintaasna Maariya saacado gudahood ayeey ku rajiisgareysay. Ninkaan waxuu rabaa taleefankeeda iyo sawiradeeda, waxuuna ka balan qaaday inuu u soo diraayo kuwiisa hada. Waxyar kadib warqad sawir waddo ayaa u timid, waa tan qososhay, oo rumeysan weysay, maadaama ay mooday in la iskaga dheelaayay, oo uu been u sheegaayay ayada. Ayadoo rumeeysatay in sawirka loo soo diray uu yahay qofka la hadlaayo ayeey markiiba sawirkeedii dirtay, taleefankeediina siisay, wuuna soo wacay taleefankii isla markiiba.
Maariya markay kombiyuutarka furta warqada ku jirto, ama warqad qoraal ah lago soo diro mobiilkeeda waa ogeed inuu asigii yahay. Waxeeyna noqotay mid ku xiran, oo hadii uu ka mashquulo isku buuqdo ayada dhan. Lagana dareemo in wax si ka yihiin maalinkaas.
Sheekadii ka bilaatay meeshaas waxeey socotay sadax bilood, oo la yaab leh, horay aan loo maqlin loona arkin. Warqado, gabayo iyo heeso wadda macaan oo caashaq wada xinbaarsan, ayaa la is dhaafsanaayay. Maariya inbadan waa laga codsaday in ay is arkaan, maadaama ay isku magaalo joogaan, waasa ka gaabsatay, oo arinta weli waa ka fekereeysaa. Maariya maalinba maalinka ka danbeysa ninkaan iyo sheekadiisa waa ku sii faafee, waa ku sii xirmee, nafta iyo qalbigu waa ku wada naawiyaan. Ugu digaan in ay dhumiso ninkaan! Maariyo qofna kuma wargelinin ninkaan cusub oo ay baratay, isla markaasna ay jeceshay. Sideey qof ugu sheegee ayadaaba weli iskuma qirsana in ay jeceshahay ninkaan, oo ay naftu diidantahay la’aantiis? sidee qof ugu sheegtaa ayadaaba ku kalsooneen in waxa ay dareemeyso ay yihiin JACEYLKII ay maqalka ku maqashee? masa jiraa JACEYLA horta?!
Waa isbedeshay, waxyaabahii hore oo ay xiiseen jirtay ma xiiseeyso, waa ka hartay dadkii ay la socon jirtay, iyo gabadhihii ay la wareegi jirtay markii iskuul jiran. Feker iyo kali ahaansho badan ayaa ku soo kordhay. Arintaas hooyadeed ayaa horay ka dareentay, oo ay walwal ku abuurtay, markay warso maagtayna waxeey ku qancisay in wax cusub jirin, oo ay jecleeystay oo kali ah in aysan banaanka aadin. Saaxiibteed Foos aad ayeey ula yaabtay, waana tabtay, oo waa halkeeda saaxiib, hadii ay xataa gurigooda ugu imaato ayada Maariyo maahan qof caadi ah, uma sheekeeyso sidii hore, kaftan iyo is foorjeeyn meel dhig, xanaaq iyo haruuf ayaa ka soo haray. Dunida dhan wax aan ninkaan aysan waligeed asigoo nool oo socdo arkin maahane inta kale dhadhan maba u lahan, warkoodane maba ka hesho, in ay digrinaayaan iyo in ay heesaayaan ayaga kala yaqaana, maahane ayada xiiso uma lahan, waana ka xanaaqdaa waxwalba taas oo sababaysa in si fudud loo fahmo isbedelka ku dhacay Maariya dabeecadeeda iyo dhaqan maalmeedkeedii lagu yaqaanayba. Gabadhaan wixii ay ahaato baari, quruxleey, qalanjada qarniga laga daba yiraahdo, asxaabta iyo ardayda ay isku iskuulka yihiin soomaali iyo ajnabiba ay jecelyihiin, hada qof laga cararo ayeey isku bedeshay, laga cabsado, meesha ay mareeyso Allow ha iigeeynin, hana i tusin lagu wada tasbiixsado.
Ayadoo iskulka joogto, markaas ka soo baxday xiisad, lana fadhisa saaxiibteed Foos ayaa warqad qoraal ah(Messege) soo galay mobilkeedii, Foos ayaa ka daftay oo aqrisay inkastoo Maariyo isku dayday in ay ka celiso, waxaana ku taalay sidaan:(Maariya quruxbadanidaa, oo qaayaweynidaa, qalbiguna jecelaa. xabiibti xayaati qalbigaa kaa doortay qeyrkaa, laabtaydaana kugu qoray. Ma qof kula mid ah dunidaba saaran? ila qeybso noloshoo, kalgaceelka ilaqabo. Qowl baan ku qaaday ku qayaanimaayoo. Furihii qalbigaay Maariyaa farxadii nafteydaay Maariya..!!) Foos qosol ayeey isku celin weeysay, waana rumeysan weeysay in Maariya nin jeceshahay, kana qarisay, kuna tiri:” Maxuma laakiin yuu noo ahaa? micnaha intuu naga soo galay gaaygaan macaanto?” Maariya inta fiirisay ayeey ka aamustay, Foos oo aamusnaashadaas ka fahantay in Maariya wax ka qarineyso ayaa ku tiri:” Maariya in wax la jeclaado ceeb ma ahan, laakiin in la qariyo ayaa ceeb.. warqada heesta ku taala caadi maba ahan masa gabay ayaan dhahaa? waa heer sare, laakiin waxaan ka cabsanaa in warkiisa aad rumeysatid kadibn uu bohol kugu rido, adduun iyo aakhiro ku dhaafiyo ninkaan, nin wax la aamino lahan anaa ku iri!” Maxeey ugu jawaabee suaalaha saaxiibteed? Siduusa u sharaxee in ninkaan sidaan u jecel aysan waligeed arkin? Sideesa saaxiibteed kaga rumeysan doontaa in ay ku kalsoontahay jaceylka oo u haayo ninkaan, isla maarkaasna in ay wax wada hadal ah kala sameeyso arintaas hada u baahneen? Foos maxeey sameeyn doontaa?!
La soco qaybta sadaxaad ee sheekada “Paltalk waa Mucjisa!” si aad u ogaatid jawaabaha suaalahaan aqristaha sharafta badanow!
W/Q Ifraax Yusuf (Ifka) samsam_1989@hotmail.com
Fiiro Gaar Ah :- Qoraalkaan xaquuqdiisa waxaa leh qoraaga ku saxiixan amar la,aan waa ka mamnuuc in la qaato ama la bedelo ilaa ogolaasho laga helo qoraaga sheekada iska leh
Faafin Somalifans.co.cc
Filed under: Uncategorized Tagged: | SHEEKO