Dowladda Soomaaliya Oo Ka Wada Hadleysa Xil Ka Qadiista Gudoomiyahii Hore Ee Gobolka Banadir

Madaxda dawladda Soomaaliya ayaa maanta leh wada xaajoodyo ku aadan Xaalada gobalka Banaadir markii shalay uu golaha wasiirada soo hordhigey Raysalwasaaraha Soomaaliya xil ka qaadis lugu sameeyo gudoomiyihii gobalka Banaadir Max’ed Cumar Xabeeb

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Cabdilaahi Yuusuf Axmed & raysalwasaarihiisa ayaa leh kulamo arimahan looga hadlayo Xil ka qaadistii gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheerre waxa ayna sheegayaan Warar hoose in ay madaxdu leeyihiin wada xaajoodyadan oo ah kuwa culus.

Xukuumada Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday in ay xilkii ka qaadeen Gudoomiyihii Magaalada Muqdisho Maxamed Dheerre ,markii uu Magaalada soo gaaray Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya waxa ayna dad badan sheegayaan in aysan xilka qaadistaasi umuuqan mid loo wada dhan yahay oo ay isku soo raaceen Madaxda sar sarre ee dawladda  Soomaaliya.

Warar hore ayaa sheegaya in ay madaxda dawladda Soomaaliya isku mariwaayeen xilka qaadista Maxamed Dheerre ,ayadoo ay arintan ka biyo diideen qaar ka mid ah Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,waxaana Maxamed Dheerre ka mid yahay tiirarka ay ku taagan tahay dawladda Soomaaliya

Wada hadaladan looga wada hadlay talaabadii ay qaadeen Golaha Wasiirada ee dawladda Soomaaliya ,waxaa lafilayaah in ay joogaan xubno ka mid ah Maamulka gobalka Banaadir ,wuxuuna Maxamed Dheerre ku dhawaaqey in uu diyaar uyahay wareejinta xilka markii la helo ogolaanshaha Madaxweynaha dawladda Soomaaliya , Hadaba Madaxweynaha ayaa La fili Inu xilka Ku Soo Ceesho Maxamed Dheere Madama Uu yahay qof Muhiim ah Dowladda soomaaliya

W/Q Maslaax Cabdi
E-Mail
Websomalifans@hotmail.com

Faafin Somalifans.co.cc E-Mail Somalifans@Ymail.com

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers